Constitution of the Republic of Somaliland · 2001In force
Article 98
Qodobka 98aad
Original Somali text, quoted word for word
1. Garsoorku waxa uu awood gaar ah u leeyahay: b. In uu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha dastuuriga ah iyo xeerarka degdegga ah iyada oo la raacayo Dastuurka. t. Inuu ka garsooro khilaafka ka dhex abuurma laamaha Dawladda oo dhinac ah iyo xubno ka tirsan dadweynaha oo dhinac ah ama dadweynaha dhexdooda. j. Inuu ka taliyo muran kasta oo Ia xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka. 2. Ma bannaana in garsooruhu qabto shaqo kale inta uu hayo xilka Garsoorka. 3. Daryeelka ku habboon garsoorayaasha xeer baa nidaaminaya