Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa

Qodobka 108aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

HAWSHA GUDDIDA CADAALADDA 1. Guddida Cadaaladdu waxay u xil-saaran tahay: shaqo-siinta, xil-ka-qaadista, dallacaadda, hoos-u-dhigidda, bedelaadda iyo anshax-marinta garsoorayaasha maxkamadaha hoose (maxkamadaha racfaanka, gobollada iyo degmooyinka} iyo Ku- xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud. Shaqaalaha kale ee ka shaqeeya Garsoorka waxay hoos imanayaan xeerarka shaqaalaha Dawladda. 2. Lama xidhi karo garsoore ama ku-xigeen Xeer-ilaaliye Guud haddii aanay Guddida Cadaaladdu oggolaanin, hase yeeshee looma baahna oggolaanshaha Guddida haddii garsooraha ama Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud la qabto isaga oo faraha kula jira dembi ciqaabtiisa ugu yari ay tahay (3) saddex sannadood oo xadhig ah. 3. Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa Guddida ka hor oogaya eedda ka xayuubinta dhawrsanaanta, anshax-marinta garsoorayaasha iyo Ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud. XUBINTA 2AAD

Ilaha: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-108
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
107Weydii qodobkan109