Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa
Qodobka 129aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
DHMRTA DASTUURIGA AH Guddoomiyaha Maxamadda Sare oo isla markaana ah Guddoomiyaha Maxamadda Dastuuriga ah ayaa dhaarinaya cid kasta oo Dastuurku ku waajibiyey dhaartan Dastuuriga ah, ka hor inta aanu xilkiisa bilaabin; sidoo kale waxaa isagana dhaarinaya Madaxweynaha. "WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO".