Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa
Qodobka 91aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
AWOODAHA MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA Madaxweyne-ku-xigeenka Qaranku wuxuu awood u leeyahay; 1. Ku-simidda xilka Madaxweynaha marka uu Madaxweynuhu maqan yahay ama uu buko. 2 Gudashada hawlaha uu Madaxweynuhu u igmado. 3. Qabashada xilka Madaxweynenimo marka ay jagadu bannaanaato sababahan dartood:- b. Is-casilaadda (xil-ka-tegid) Madaxweynaha. t. Xukun dembi ah oo xilka lagaga xayuubiyey; j. Marka uu hawshii loo doortay u gudan kari waayo caafimaad-darro darteed; iyo x. Geeri ku timaada.