Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa
Qodobka 30aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
XORRIYADDA ISGAADHSIINTA Qofna lama fara-gelin karo qoraalladiisa gaarka ah, waraaqihiisa boosta ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, marka laga reebo xaaladda uu xeerku baneeyo baadhitaankooda, daba- galkooda, ama dhegaysigooda iyada oo ay markaana waajib tahay in la helo amar garsoore oo sababaysan.