Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa

Qodobka 25aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYMDKA 1. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn. 2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi. 3. Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda. 4. Dhammaan xorriyaaka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.

Ilaha: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-25
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
24Weydii qodobkan26