Qodobka 53aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
AWOODDA IYO WAAJIBAADKA GOLAHA WAKIILADA 1. Waxa waajib ah inuu oggolaansho Golaha Wakiilada ka helo qof kasta oo loo magacaabo Wasiir, Wasiir-ku-xigeen, iyo Madaxda Hay'adaha Dawladda, iyadoo la raacayo Dastuurka. 2. Golaha Wakiiladu waxa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax-ka-sheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta Barnaamijka Xukuumadda. 3. Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soosaarid ama wax-ka beddelid qaanuun. 4. Golaha Wakiiladu waxa uu u gudbinaya Golaha Xukuumadda tallooyin iyo tilmaamo ku saabsan siyaasadda guud ee hogaaminta. 5. Ku-soo rogida dalka, ama qayb ka mid ah xukun deg-deg ah, waxa Golaha Xukuumaddu uu waydiisanayaa labada Gole {Golaha Wakiilada & Golaha Guuritada} oggolaansho. 6. Golaha Wakiiladu waxa uu awood u leeyahay inuu u yeedho Xukuumadda ama hay'adaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga waydiiyo gudashada xilkooda. 7. Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay Wasiirka ama madaxda hay'adaha Dawladda ama madaxda sare ee kale ee Qaranka ee hawshoodu khusayso, in ay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda.