Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa

Qodobka 105aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

MAGACAABIDDA GUDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE & GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA SARE 1. Madaxweynuhu isaga oo la tashanaya Guddida Cadaaladda, waxa uu magacaabayaa Guddoomiyaha Maxamadda Sare iyo garsoorayaasha Maxamadda Sare, iyada oo Ia tixgelinayo:- heerka waxbarasho, waayo-aragnimo xirfadeed iyo suubanaan akhlaaqdeed. Magacaabidda Guddomiyaha Maxamadda Sare waxa ansixinaya Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida) oo fadhi wada jir ah yeesha muddo aan ka badnayn saddex {3} bilood marka laga bilaabo taariikhda magacawga. Waxa Ku-xigeenka Guddoomiyaha noqon doonaa garsooraha dhinaca darajada ugu sarreeya garsoorayaasha ka tirsan Maxamadda Sare (Seniority). 2. Ma bannaana in loo magacaabo xilka Guddoomiyaha Maxamadda Sare qof aan buuxin shuruudaha hoos ku sheegan: b. Waa inuu yahay muwaadin ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. t. Waa inuu haystaa shahaado jaamicadeed oo barasho sharciga ah oo la aqoonsanyahay. j. Waa inuu leeyahay waayo-aragnimo xirfadeed oo aan ka yarayn isugeyn toban sano; kuna soo shaqeeyey garsoore ama/iyo xeer-ilaaliye ama/iyo qareen ama/iyo macallin jaamicad ka bara sharciga. x. Waa inuu siyaasadda ka madax bannaan yahay. 3. Madaxweynuhu xilka wuu ka qaadi karaa Guddoomiyaha Maxamadda Sare, isaga oo u baahan oggolaanshaha Golaha Wakiilada & Golaha Guurtida.

Ilaha: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-105
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
104Weydii qodobkan106