Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa
Qodobka 68aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
WAAYIDDA XIBINIMADA GOLAHA GUURTIDA 1. Xubinta Golaha Guurtidu waxa ay waayi kartaa xubinnimadeeda haddii ay burto shuruud ka mid ah shuruudihii Iagu soo xushay, ama ay gudan waydo xilka sida uu u caddaynayo xeer-hoosaadka Golaha Guurtidu. 2. Haddii uu ku dhaco xukun ciqaabeed oo kama dambays ah oo maxkamad horteed kaga caddaaday. 3. Haddii Golahu ka aqbalo istiqaalad.