Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa
Qodobka 114aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
MAGACAABISTA IYO XIL-KA-QAADISTA MADAXDA HAY'ADAHA 1. Magacaabista Xeer-ilaaliyaha Guud, Guddoomiyaha Baanka-dhexe, Guddoomiyaha & Guddida Hay'adda Shaqaalaha Dawladda iyo Hantidhawraha Guud, waxa soo jeedinaya Guddoomiyaha Golaha Xukuumadda; waxaana oggolaanaya Golaha Wakiilada ka hor intaan xilka loo dhaarin. 2. Waxaa xilka ka qaadi kara madaxda qodobkan ku sheegan Madaxweynaha oo keliya. 3. Masuuliyiinta Qaranka ee Dastuurku waajibiyay in la ansixiyo, si ku-meel gaadh ah xilka uma hayn karaan muddo ka badan saddex bilood.