Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa

Qodobka 107aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

GUDDIDA CADAALADDA 1. Gudidda Cadaaladdu waa hay'adda hoggaamisa maamulka Garsoorka, waxayna ka kooban tahay: • Guddoomiyaha Maxamadda Sare Guddoomiye • Labada garsoore ee ku xiga dhinaca darajada Guddoomiyaha Maxamadda Sare Xubno • Xeer-ilaaliyaha Guud Xubin. • Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Xubin • Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Xubin • Laba xubnood oo Golaha Wakiiladu labadi sannadoodba hal mar ka soo doorto dadweynaha kana kala tirsan aqoon yahanada & ganacsatada; iyo • Laba xubnood oo Golaha Guurtidu labadi sannadoodba ka soo doorto dadweynaha hal mar; kana kala tirsan dhaqan-yaqaanada iyo culimada Diinta. 2. Waxa fadhiga Guddidu ku ansixi karaa marka ay joogaan toddoba (7) xubnood. 3. Marka Guddoomiyaha Maxamadda Sare gudan kari waayo guddoominta Guddida, sababo caafimaad, fasax ama shaqo ka tegid darteed waxa si ku-meel-gaadh ah guddoomiyaha Guddida noqon doona garsooraha ka tirsan Maxakamadda Sare ee Guddida xubinta ka ah, dhinaca darajadana ku xiga Guddoomiyaha. Waxa xoghayn u ah Guddida Cadaaladda Kaaliyaha Sare ee Maxamadda Sare.

Ilaha: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-107
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
106Weydii qodobkan108