Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa
Qodobka 62aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
FADHIGA UGU HORREEYA EE GOLAHA GUURTIDA Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Guurtidu wuxuu qabsoomayaa 30 maalmood gudahood ka dib maalinta Ia soo dhamaystiro xulashadiisa; waxaana fadhiga furaya xubnahana dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; waxana shirkaas guddoominaya xubinta ugu da'da weyn inta laga dooranayo Guddoomiye rasmi ah iyo labadiisa Ku-xigeen.