Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa
Qodobka 72aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
BANNAANSHAHA JAGADA GOLAHA GUURTIDA IYO SOO-BUUXINTEEDA 1. Jagada Golaha Guurtidu waxay ku bannaanaysaa haddii ay timaado xaalad ka mid ah xaaladaha ku tilmaaman qodobka 50aad. 2. Haddii ay bannaanto xubin ka mid ah Golaha Guurtidu ka hor Iixda bilood ee ugu dambeeya muddada xilka Golaha Guurtida, waxa loo soo buuxinayaa si waafaqsan xeerka, iyadoo xubinta cusubi ay dhamays-tirayso muddada xiIka Golaha.