Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa

Qodobka 42aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

MUDDADA XILKA IYO XILLIGA DOORSHADA 1. Muddada xilka Golaha Wakiiladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya maalinta Maxkamadda Sare ay ku dhawaaqdo go'aamada doorashada. 2. Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya doorashada Golaha cusub bil ka hor dhammaadka muddada Golaha hore. 3. Haddii doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole cusub. Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhul gariir, cudurrada faafa, abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana go'aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukummaddu sidaa soo jeediyo.

Ilaha: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-42
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
41Weydii qodobkan43