Qodobka 52aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
SHAQAALAHA GOLAHA WAKIILADA. 1. Golaha Wakiiladu wuxuu yeelanayaa Xoghayn uu madax ka yahay Xoghaye Guud oo aan ka tirsanayn Golaha Wakiilada; kana kaalmaynaya Shir-guddoonka Golaha hawlaha xafliska, dhammaan arrimaha maaliyadda iyo maamulka, wuxuuna yeelanayaa Ku-xigeen. 2. Golaha Wakiilada wuxuu yeelanayaa lataliyeyaal sida Lataliye-sharci, dhaqaale, siyaasadeed iwm oo lagu xusho khibrad iyo aqoon ay u leeyihiin hawlohooda. 3. Shaqaalaha kale ee Xoghaynta waxa shaqo gelinaya Xoghayaha Guud marka uu ka helo ogolaansho Shir-guddoonka. Xoghayaha Guud, Ku-xigeenka, Lataliyayaasha iyo shaqaalaha kale magacaabjstooda, xil ka qaadistooda, gunnadooda, iyo xuquuqdooda, waxa Iagu caddaynayaa xeer-hoosaadka Golaha.