Qodobka 79aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
EEDAYNTA XUBNAHA GOLAYAASHA 1. Xubnaha Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida) waxa lagu oogi karaa dacwad dembi ah haddii la qabto xubinta ama xubnaha iyagoo faraha kula jira faldembiyeed (Flagrante Delicto), dambigaas oo ciqaabtiisu ugu yari tahay saddex (3) sanno oo xadhig ah. Hase yeeshe, lama hor geyn karo maxkamad, loomana gudbin karo xabsi, ilaa xubinta ama xubnaha laga xayuubiyo dhawr-sanaanta xilka ay ummadda u hayaan. 2. Dacwadda dembiga ah ee Iagu eedaynayo xubnaha Golayaasha waxa soo oogaya Xeer-ilaaliyaha Guud, ka bacdi marka Golaha xubintu ama xubnuhu ka tirsanaayeen ay maamuuska kaga xayuubiyaan saddex meelood laba ahaan tirada guud ee Golaha. Waxa dacwaddaas dhegeysigeeda awood u Ieh Maxkamadda Sare ee Cadaaladda (High Court of Justice) QAYBTA SADDEXAAD WAAXDA FULINTA XUBINTA IAAD