Qodobka 92aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
AWOODAHA KALE EE MADAXWEYNAHA EE LA XIDHIIDHA XEERARKA DEGDEGGA AH 1. Marka ay soo if-baxaan xaalado gaar ah oo halis gelin kara nabadgelyada dalka; khatar ku noqon kara xeerka iyo nidaamka; khalkhal ku abuuri kara xasilloonida guud, ama kalsoonida dhaqaale, waxa Madaxweynuhu soo saarayaa xeerar deg-deg ah oo lagu joojinayo khataraha kor ku sheegan. Haddii Golayaasha Baarlamaanku fadhiyaan marka uu xeerarka degdegga ah soo saarayo Madaxweynuhu, waa inuu ugu gudbiyo muddo toddoba (7) maalmood gudahood ah si ay go'aanno uga gaadhaan. Haddii aanay Golayaashu fadhiyin waxa Gudoomiyayaashoodu isugu yeedhayaan Golayaasha fadhi aan caadi ahayn muddo 14 maalmood gudahood ah. Xukuumaduna way ku sii dhaqmi kartaa xeerarkaas inta ay Golayaashu go'aan ka gaadhayaan. 2. Xeerarka degdegga ah waxay yeelan doonaan awoodda xeerarka ka soo baxa Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida), waxayna dhaqan gelayaan marka uu saxeexo Madaxweynuhu. 3. Waxa xeerarka degdegga ah dib-u-eegid ay 2da Gole ku samayn doonaan saddexdii (3) biloodba hal mar iyaga oo go'aankoodu ku salaysnaan doono codka hal dheeriga ah (Simple Majority)