Qodobka 94aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
GOLAHA WASIIRADA 1. Golaha Wasiiradu waxay Madaxweynaha ka kaalmaynayaan fulinta xilkiisa iyaga oo wadajir u go'aamin doona siyaasadda guud, qorshayaasha iyo barnaamijyada Dawladda. 2. Waxaa Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeennada magacaabi kara ama xilka ka qaadi kara Madaxweynaha; waxaana magacaabiddooda la hor dhigayaa Golaha Wakiilada oo ay fadhigaas joogaan kala badh iyo hal xubnood (Quorum), oo ku oggolaan kara ama ku diidi kara cod hal dheeri ah (Simple Majority) oo gacan taag ah. 3. Soddon (30) maalmood gudohood marka Golaha Wakiiladu ansixiyaan magacaabidda Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen, waxa xilka u dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyada oo uu goob joog yahay Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka, haddii uu Madaxweynuhu ka maqan yahay dalka ama uu buko. 4. Wasiirada ama Wasiir-ku-xigeenadu ma qaban karaan shaqo kale oo ka baxsan tan Qaranka. 5. Qofna looma magacaabi karo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen haddii aanu buuxin shuruudaha ku xidhan qofka loo dooranayo Golaha Wakiilada. 6. Wasiirka waxa loo xil-saari karaa hal Wasaarad ama in ka badan. 7. Madaxweynaha ayaa guddoomin doona fadhiyada Golaha Wasiirada ee caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn. 8. Lama xidhi karo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen haddii aan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi ciqaabtiisu gaadhayso saddex sano ama aanu Madaxweynuhu ka qaadin dhawrsanaanta, isaga oo ku qancay soo jeedin uu u soo bandhigay Xeer- ilaaliyaha Guud.