Article 90
Qodobka 90aad
Original Somali text, quoted word for word
AWOODAHA MADAXWEYNAHA Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xilsaaran yahay daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda. Si uu u gudan karo xilalka kor ku sheegan, wuxuu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha soo socda: 1. Hoggaaminta siyaasadda guud ee Xukuumadda. 2. Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta xubnaha Golaha Wasiirada. 3. Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta madaxda sare ee Dawadda marka uu la tashado Wasiirka ku shaqada leh; isla markaana tixgeliyo Dastuurka iyo xeerarka u gaarka ah. Waxa madaxda sare ee dawladda loola jeedaa: b. Hanti-dhowraha Guud; t. Guddoomiyaha Baanka-dhexe; j. Guddoomiyaha iyo Guddida Hay'adda Shaqaalaha Dawadda; x. Xisaabiyaha Guud; kh. Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay'adaha; d. Taliyayaasha ciidamada iyo Ku-xigeenadooda; r. Danjirayaasha; s. Xeer-ilaaliyaha Guud; iyo dh. Saraakiisha sare ee kale oo xeer ka soo baxay Golayaasha Xeer-dejintu awood u siinayo magacaabistooda iyo xil-ka-wareejintooda. 4. Hoggaaminta ciidamada Qaranka maadaama uu yahay Tahyaha Guud (Commander- in-Chief). 5. Oggolaanshaha cafiska iyo saamaxaadda, oo ay ka reebban yihiin qisaasta iyo xuduudda Shareecadda lslaamka; iyo bixinta magangelyada siyaasadeed, ka dib marka uu la tashado hay'adaha ku shaqada leh. 6. Saxeexa heshiisyada caalamiga ah. 7. Ka qayb-gelidda shirarka caalamiga ah, isagoo ka wakiil ah Jamhuuriyadda Somaliland. 8. Qaabilaadda diblomaasiyiinta shisheeyaha iyo ka qabashada waraaqaha aqoonsigooda (Credentials). 9. Magacaabidda danjirayaasha u jooga Jamhuuriyadda Somaliland dalalka shisheeyaha ah, ururada caalamiga ah iyo kuwa gobollada adduuunka. 10. Bixinta astaamaha xurmo iyo sharaf ee ay ka mid yihiin billadaha. 11. Hoggaaminta xaaladaha dagaalka, isla markaana ku dhawaaqidda xaalad degdeg ah. 12. Fulinta xeerarka aan Waaxda Garsoorka awoodaheeda hoos iman; 13. Awoodaha kale ee ku xusan Dastuurka iyo xeerarka kale. 14. Madaxwaynuhu wuxuu xilkiisa u fulin doonaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u degsan.