Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa

Qodobka 8aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

SINNANTA MUWAADINIINTA 1. Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman. 2. Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee soo jireenka ah waa waajib Qaran. 3. Ajaanibka dalka Somaliland sharci ku jooga waxay xeerka hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad la siman tan muwaadiniinta, oo ay ka reebban tahay xuquuqda siyaasiyiga ah ee muwaadiniinta u gaarka ah.

Ilaha: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-8
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
7Weydii qodobkan9