Constitution of the Republic of Somaliland · 2001In force

Article 89

Qodobka 89aad

Original Somali text, quoted word for word

HABKA BUUXINTA JAGADA BANNAANATAY 1. Haddii mid ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado Madaxweynaha saddexda sano ee u horreeya shanta sano ee xilka loo doortay, waxa Madaxweyne Ku-xigeenku noqonayaa Madaxweyne ku meel gaadh ah, waxaana Madaxweyne lagu dooranayaa muddo lix bilood gudohood ah. 2. Haddii Madaxweynaha xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado labada sano ee u dambeeya muddada shanta sano ah ee loo doortay, waxa xilka Madaxweynenimo la wareegaya Madaxweyne Ku-xigeenka muddada labada sano ah ee hadhay, wuxuuna Madaxweyne Ku-xigeen u sharrixi doonaa xubin ka tirsan Golaha Wakiilada, waxaana ansixinaya labada Gole oo wada jira. Haddii Golayaashu diidaan mudanaha Madaxweynuhu u magacaabay Madaxweyne Ku- xigeenka, waxa waajib ku ah inuu mudane kale ku magacaabo muddo aan ka badanayn soddon maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa taariikhda diidmada Golayaasha. Waxa xubintu muddada dastuuriga ah hayn doontaa xilka loo magacaabay; isla markaana waayi doontaa xubinnimadii Golaha Wakiilada. 3. Sidoo kale, marka xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado Madaxweyne-ku-xigeenka wuxuu Madaxweynuhu u magacaabayaa Madaxweyne-ku-xigeen xubin ka tirsan Golaha Wakiilada, oo 2da Gole oggolaadeen. Wuxuu mudanaha xilka loo magacaabay hayn doonaa jagadaas muddada xilka ka hadhay, iyada oo ay bannaanaan doonto jagadi Wakiilnimadu. Haddii ay Golayaashu diidaan mudanaha Madaxweynuhu u magacaabay Madaxweyne-ku-xigeenka, waxa waajib ku ah inuu mudane kale ku magacaabo muddo aan ka badnayn 30 maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa taariikhda diidmada Golayaasha. 4. Haddii ay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha isku hal mar ku timaado xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad, waxa xilka Madaxweynaha si ku meel gaadh ah u haynaya Guddoomiyaha Golaha Guurtida. Waxaana doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha lagu qaban doonaa muddo Iixdan (60) maalmood gudahood ah, oo ka bilaabmaysa maalinta ay xaaladdu sugnaatay. XUBINTA 2AAD

Source: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-89

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
88Ask about this article90