Article 86
Qodobka 86aad
Original Somali text, quoted word for word
BANNAANAANTA JAGADA IYO HABKA UU MADAXWEYNUHU AMA MADAXWEYNE KU-XIGEENKU XILKA UGA TEGI KARO Waxay jagada Madaxweynaha ama ku-xigeenka Madaxweynuhu iyo Kuxigeenka Madaxweynuhu bannaanaan kartaa haddii ay dhacdo xaalad ka mid ah xaaladaha hoos ku sheegan:- 1. Xukun dembi ah oo xilka lagaga xayuubiyay. 2. Hawsha oo uu caafimaad darro darteed u gudan kari waayo. 3. Geeri ku timaadda. 4. Is-casilaadda Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu qoraal xil-ka- tegis ah u gudbinayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida, waxayna labada Gole fadhi wada jir ah ku oggolaan karaan ama ku diidi karaan aqlabiyad tirada guud ee labada Gole. 5. Haddii ay Golayaashu diidaan codsiga xil-ka-tegidda ee ku sheegan faqradda 4aad ee qodobkan waxaa Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenku xaq u yeelanayaa in uu mar labaad keensado codsi dalab xil-ka-tegis ah muddo aan ka badnayn saddex bilood marki uu codsiga hore qortay; waxaana waajib ku ah labada GoIe in ay xil-ka- tegidda ka oggolaadaan.