Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa
Qodobka 85aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
WAXYAABAHA KA REEBBAN MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA 1. Uma bannaana Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Marwooyinkoodu inay galaan ganacsi muddada ay xilka hayaan. 2. Madaxweynuhu dalka kama maqnaan karo (45) cisho oo isku xiga muddo ka badan sabab caafimaad mooyaane. 3. Hadiyadaha la siiyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Marwooyinkooda iyo Madaxda sare ee Qaranka ee Ieh muuqaal Qaran iyada oo lagu maamuusayo xilka ay hayaan waxa weeye hanti Qaran.