Article 77
Qodobka 77aad
Original Somali text, quoted word for word
HABKA LOO RAACO XEER-DEJINTA 1. Labada Gole ee Baarlamanka mid waliba mashruuc-sharci uu ansixiyo wuxuu u gudbinayaa Golaha kale; si uu ula eego talooyinna uga siiyo. 2. Labada Gole mid waliba Golaha kale hal mar oo keliya ayuu mashruuc-sharci ku soo celin karaa. 3. Xeer-hoosaadka Baarlamaanka ayaa qeexaya hab-socodka mashruuc-sharci, waana in uu muujiyaa mudnaanta gaar ah ee ay Ieeyihiin mashruuc-sharciyada la xidhiidha maaliyadda iyo kuwa Xukuumaddu u aragto degdeg, kuwaas oo mudan in iyaga la hormariyo. 4. Mashruuc-sharci ay labada Gole ee Baarlamaanku ku wada ansixiyeen ama ku wada oggolaadeen aqlabiyadda 2/3 (Saddex meelood, laba) ama ka badan Madaxweynuhu dib uma celin karo ee wuu saxeexayaa. Haddii uu arko in mashruuc-sharcigaasi ka hor imanayo qodob ama qodobo Dastuurka, waa inuu sidaa ku wargeliyaa Shir- guddoonka iyo Xeer-ilaaliyaha Guud oo u gudbin doona Maxkamadda Dastuuriga ah. 5. Madaxweynuhu mashruuc-sharci looga soo gudbiyey Baarlamaanka, wuxuu ku saxeexayaa saddex toddobaad (21 maalmood} gudahood, laga bilaabo taariikhda mashruucaas-sharci soo gaadhay xafiiska Madaxweynaha haddii aanu Baarlamaanka dib ugu soo celin. 6. Haddii Madaxweynuhu mashruuc-sharci uu u soo gudbiyay Baarlamaanku ku saxeexi waayo muddadaas la gooyey ama ku soo celin waayo Baarlamaanka, mashruuc- sharcigaasi si toos ah ayuu u noqonayaa xeer; waxaana soo saaraya Golaha soo gudbiyay