Article 61
Qodobka 61aad
Original Somali text, quoted word for word
AWOODDA IYO WAAJIBAADKA GOLAHA GUURTIDA 1. Dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada. 2. Dib-u-eegidda xeerarka Golaha Wakiiladu ansixiyo xeerka maaliyadda mooyaane, waxaanu ku celin karaa Golaha Wakiilada hal mar, muddo 30 (soddon) maalmood gudahood oo ka bilaabanta maalinta loo soo gudbiyo xafiiska Shir-guddoonka Golaha Guurtida, isagoo sababaha aragtidiisa qoraal ahaan ugu gudbinaya. 3. Ka-talo-bixinta dhalliilaha maamul ee Xukuumadda iyo ogaysiintooda Golaha Wakiilada. 4. Ka-gacan-siinta Xukuumadda arrimaha Ia xidhiidha Diinta, nabadgelyada, difaaca, dhaqanka, dhaqaalaha iyo bulshada; iyagoo kaashanaya madaxdhaqmeedka beelaha. 5- U yeedhidda xubnaha Xukuumadda iyo wax-ka-waydiinta gudashada xilkooda. 6- Waxa kaloo Golaha Guurtidu awood u Ieeyahay inuu Golaha Wakiilada u gudbiyo soo jeedin mashruuc, si Golaha Wakiiladu uga doodo, go'aana uga gaadho.