Qodobka 60aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
TIRADA GOLAHA GUURTIDA 1. Tirada xubnaha Golaha Guurtidu waa 82 (Iabba iyo siddeetan} oo iska dhex dooranaya Guddoomiye, laba Guddoomiye ku-xigeen iyo guddi hoosaadyo inta uu u baahdo. Goluhu wuxuu yeelanayaa guddi joogto ah oo 25 {shan iyo labaatan} xubnood ah. 2. Xiilli kasta waxa ku soo kordhaya tiro xubno sharaf ah oo kala ah: b- Shan xubnood oo Madaxweynuhu ku soo xulo tilmaamo gaar ah oo ay Qaranka u yeesheen; waxayna muddada xubinimadoodu la cimri tahay muddada xilka Golaha. t- Qof kasta oo horay Guddoomiye uga noqday Golaha Guurtida ama Golaha Wakiilada. j- Qof kasta oo hore Jamhuuriyada Somaliland uga soo qabtay xilka Madaxweyne ama Madaxweyne ku-xigeen. x- Xubno sharafku Golaha cod kuma leh; mana geli karaan Guddida Joogtada ah