Constitution of the Republic of Somaliland · 2001In force
Article 59
Qodobka 59aad
Original Somali text, quoted word for word
SHURUUDAHA QOFKA LOO SOO DOORANAYO XUBINIMADA GOLAHA GUURTIDA Qofka loo dooranayo xubinimada Golaha Guurtida waa in uu yeesho shuruudaha qofka isu- taagaya xubinimada Golaha Wakiilada marka laga reebo da'da iyo heerka aqoonta oo noqonaya sidan hoos ku xusan: 1. lnaan da'diisu ka yaraan 45 sano {shan iyo afartan sano}. 2. lnuu yahay qof Diinta aqoon fiican u leh, ama oday dhaqan-yaqaan ah.