Article 56
Qodobka 56aad
Original Somali text, quoted word for word
KALA DIRIDDA GOLAHA WAKIILADA Golaha Wakiilada waxa Ia kala diri karaa: 1. Marka uu fadhiisan waayo laba kal-fadhi oo caadiya oo isku xiga, iyadoo aanay keenin duruuf awoodooda ka baxsani. 2. Marka ay soo jeediyaan inuu kala dirmo 1/3 {saddex meelood, hal} tirada xubnaha Goluhu; isukuna raacaan 2/3 {saddex meelood laba} tirada guud ee xubnihiisa. 3. Xaaladaha ku xusan faqradaha {1} iyo {2} ee qodobkan waxa go'aan ka soo saaraysa Maxkamadda Dastuurka, iyadoo xaaladda ku xusan faqradda {laad} ay Maxkamaddu u soo gudbinayso Madaxweynaha xaaladda ku xusan faqradda 2aadna Golaha Wakiilada. 4. Golaha Wakiilada waxa kale oo kala diri kara Madaxweynaha, ka dib marka uu dadweynuhu sababaha uu ku dhisay kala diridooda ku oggolaado Afti-qaran oo ay qaban-qaabiso Maxkamadda Dastuuriga ahi. 5. Madaxweynuhu marka uu arko go'aanka Maxkamadda Dastuuriga ee ay ka soo saarto xaaladda ku xusan faqradda {1} ama {2} ee qodobkan, ama natiijada aftida dadweynaha ee ku xusan faqradda {4} ee qodobkan, waxa uu ku soo saarayaa Xeer- Madaxweyne kala diridda Golaha Wakiilada, isaga oo isla markaa baahinaya taariikhda doorashada Golaha cusub oo ku qabsoomaya 60 {lixdan} maalmood gudahood. 6. Haddii aftida Qaranku taageeri weydo kala diridda Golaha Wakiilada, ama doorashadu qabsoomi waydo, Golihii hore ayaa xilka haynaya. 7. Ma bannaana kala diridda Golaha Wakiilada sannadka u horeeya ee Golaha iyo sannadka u dambeeya ee muddada xilka Madaxweynaha. XUBINTA 2AAD GOLAHA GUURTIDA