Article 55
Qodobka 55aad
Original Somali text, quoted word for word
MIISAANIYADDA 1. Golaha Wakiiladu waxa uu ka doodi karaa, waxna ka beddeli karaa miisaaniyadda, kuna ansixinayaa go'aan Gole. 2. Haddii ansixinta miisaaniyadda cusubi dhammaan weydo ka hor bilowga sannad- maaliyadeedka cusub, waxa lagu dhaqmayaa miisaaniyaddii hore inta ay ka soo baxayso miisaaniyadda cusubi. 3. Golaha Wakiilada ayaa oggolaanaya gelidda kharash kasta oo aan miisaaniyadda ku jirin. 4. Xeer ayaa caddaynaya habka soo diyaarinta miisaaniyadda guud iyo sannad- maaliyadeedka. 5. Xeer ayaa caddaynaya miisaaniyadda iyo xisaab-xidhka hay'adaha, wakaaladaha iyo shariikadaha dawladeed ama kuwa ay wax ku leedahay iyo u soo bandhigidooda Golaha Wakijada. 6. Waa waajib u soo bandhigidda Golaha Wakiilada xisaab-xidhka sannad- maaliyadeedkii dhammaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhammaadka sannad-maaliyadeedka, iyadoo Golaha Wakiilladu ka doodayo, go'aanna ka soo saarayaan. 7. U soo bandhigidda xisaab-xidhka miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hantidhawraha Guud.