Constitution of the Republic of Somaliland · 2001In force
Article 54
Qodobka 54aad
Original Somali text, quoted word for word
Awoodda Xeer-dejinta ee Goluhu waa in ay gaadhsiisnaataa arrimaha maaliyadda ee soo socda:- 1. Jideynta cashuuraha, takaaliifta, iyo tallaabooyin kale oo kor Ioogu qaadayo dakhliga. 2. Asaasidda kaydka dakhliga Somaliland ama kaydad kale oo loo qoondeeyey xaalado gaar ah. Habka loo maamulaayo, loogu ururinayo iyo looga bixinayo xeer ayaa nidaaminaya. 3. In Ia daabaco lacag, lana soo saaro shahaadooyin rahmadeed, iyo kuwa kale oo leh qumo dammaanadeed. 4. Habaynta nidaamyada dhaqaale iyo kuwa lacageedba.