Constitution of the Republic of Somaliland · 2001In force
Article 50
Qodobka 50aad
Original Somali text, quoted word for word
WAAYIDDA XUBINIMADA GOLAHA WAKIILADA Xubinimada Golaha Wakiilada waxa la waayi karaa haddii: 1. Xubintu geeriyooto ama uu ku yimaado xanuun suurto gelin waaya gudashada xilkeeda; 2. Xubintu istiqaalad dhiibto, iskeedna shaqada uga tagto; Goluhuna ka oggolaado; 3. Uu jabo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay; ama uu gudan waayo xilkiisa; 4. Uu ku dhaco xukun ciqaabeed kama dambays ah oo maxkamad horteed kaga caddaaday; 5. Uu ka maqnaado Golaha 20 (labaatan) fadhi oo isku xiga idin la'aan.