Article 46
Qodobka 46aad
Original Somali text, quoted word for word
KAL-FADHIYADA IYO HABAYNTA GOLAHA WAKIILADA 1. Waxa Goluhu yeelanayaa 3 (Saddex) kal-fadhi oo caadi ah sannadkiiba oo qaadanaya muddo 28 (siddeed iyo Iabaatan) toddobaad ah. Labadi kal-fadhi waxaa u dhaxaynaya ugu yaraan 4 (afar) toddobaad, ugu badnaana 8 (siddeed) toddobaad. 2. Kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiulada waxa uu ku qabsoomi karaa: b) Codsi ka yimid Madaxweynaha; t) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo isugu yeedha. j) 1/3 (saddex-meelood, meel) tirada xubnaha Golaha Wakiilada oo qoraal ku codsada. 3. Kal-fadhigiisa ugu horreeya waxa Golaha Wakiiladu ku ansixinayaa xeerhoosaadkiisa; waxaanu ku dhisanayaa guddi-hoosaadyo inta uu u baahdo. 4. Khudbadda Qaranka waxa jeedinaya Madaxweynaha kal-fadhiga u horeeya sannad walba, waxayna ka war bixinaysaa: siyaasadda, barnaamijyada Dawladda, dhaqaalaha, xaaladda lacageed & xaaladda nabadgelyada.