Article 45
Qodobka 45aad
Original Somali text, quoted word for word
FADHIYADA GOLAHA WAKIILADA 1. Fadhiyada Golaha Wakiiladu waa kuwo furan, kuwo xidhana way noqon karaan; xeer hoosaad baana nidaaminaya. 2. Fadhiga Golaha Wakiiladu waxa uu ku furmi karaa marka ay joogaan kala badh in ka badani, marka laga reebo kuraasida bannaanshahooda la baahiyay. 3. Go'aamada Golaha waxa ay ku ansaxayaan hal dheeri xubnaha jooga fadhiga (aqlabiyad fudud), marka laga reebo xaaladaha Dastuurku ama Xeerhoosaadka Goluhu uu u jideeyo aqlabiyad kale. 4. Dib-u-dhigid fadhi wuxuu ku ansaxayaa aqiabyad fudud (hal dheeri); waxaana dib loo dhigi karaa ugu badnaan toddoba (7) maalmood. 5. Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeennada waxa ku waajib ah inay ka qayb galaan fadhiyada Golaha Wakiilada iyo Guddiyadiisa haddi qoraal lagaga codsado sidaa; waxaanay xaq u leeyihiin inay ka qayb qaataan doodda; hase yeeshee xaq uma laha codayn. Sidoo kale Madaxweynaha waxaa u bannaan in uu u wakiisho Ku-xigeenka Madaxweynaha ama Wasiir kasta ka qayb-galka fadhiyada Golaha Wakijiada