Constitution of the Republic of Somaliland · 2001In force

Article 44

Qodobka 44aad

Original Somali text, quoted word for word

ISUGU YEEDHIDDA GOLAHA CUSUB 1. Golaha cusub waxa uu qabanayaa fadhigiisa ugu horreeya 30 (soddon) maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa maalinta Iagu dhawaaqo go'aamada doorashada; waxaana isugu yeedhaya Madaxweynaha Jamhuuriydda. 2. Haddii Madaxweynuhu isugu yeedhi waayo, Golaha ayaa u kulmaya iskii maalinta 45aad (Shan iyo afartanaad) laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go'aamada doorasho. 3. Golaha cusub waxaa furaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaarinaya xubnaha. Markaa waxaa guddoominaya shirka xubinta ugu da'da weyn; waxaana Goluhu iska dhex dooranayaa Guddoomiyaha iyo laba Guddoomiye ku-xigeen.

Source: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-44

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
43Ask about this article45