Article 41
Qodobka 41aad
Original Somali text, quoted word for word
SHURUUDAHA QOFKA ISU-TAAGAYA DOORASHADA Qofka isu-taagaya xubinimadda Golaha Wakiilada waa inuu yeesho shuruudaha soo socda: 1. lnuu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka 2. Inuu Muwaadin yahay, da'diisuna ka yaraan shan iyo soddon sano {35 sano}. 3. lnuu jidh ahaan iyo caqli ahaanba u gudan karo xilkiisa. 4. lnuu leeyahay aqoon dugsi sare ama wax u dhigma ugu hoosayn. 5. lnaanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo kama dambays ah, oo maxkamad horteeda kaga caddaaday shantii sano ee ugu dambaysay. 6. Inuu yahay xil-kas; akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisuna toosan yihiin. 7. Uma bannaana qof shaqaale Dawladdeed ah inuu isu taago doorasho haddaanu muddada xeerku cayimay ka hor shaqo ka tegid codsan taas oo in laga aqbalaana ay waajib tahay.