Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa

Qodobka 38aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

BAARLAMAANKA IYO FADHIYADA WADA JIRKA AH 1. Awoodda Xeer-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay gaar ku tahay Baarlamaanka oo ka kooban laba Gole oo kala ah Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida. Xilka xeer-dejintu uma wareegi karo cid ka baxsan Baarlamaanka. 2. Mashruuc-sharci Baarlamaanku oggolaadeen wuxuu xeer dhaqan gal ah noqonayaa marka uu Madaxweynuhu u soo saaro hab waafaqsan Dastuurka. 3. Baarlamaanku xilgudashadiisa wuxuu ku salaynayaa Dastuurka iyo xeer- hoosaadyadiisa. 4. Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu muhiimsan arrimahan soo socda: b- Sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo u madax-bannaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda, iyo hawadeeda. t- In Jamhuuriyadda Somaliland yeelato dhammaan xeerarka ay u baahan tahay dawlad Islaam ah. j- Hirgelinta xeerarka u degsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaqiijinta taabba- galka cadaaladda oo saldhig u ah xasilloonida guud ee Jamhuuriyadda iyo isu- kalsamaanta iyo iskaashiga dadweynaha Somaliland. 5. Labada Gole ee Baarlamanku waxay yeelanayaan fadhiyo ay wadaagaan iyo kuwo gaar u kala ah. 6. Labada Gole ee Baarlamaanku fadhiyo wadajir ah ayey ka yeelanayaan arrimaha ay ka mid yihiin: b- Dhegeysiga Warbixinta Madaxweynuhu ka jeediyo furitaanka labada Gole, t- Marka laga doodayo ku biiridda Jamhuuriyadda Somaliland urur ama huwan gobolleed ama caalami ah ama ansixinta heshiisyada leh dabeecad gobolleed ama caalami. j- Go'aaminta iyo ku dhawaaqidda xaaladaha dagaal marka Jamhuuriyadda Somaliland Ia soo gudboonaado dagaal. x-. Doodaha ku saabsan aafooyinka dabuciga ah; kh- Doodaha Ia xidhiidha xeerarka deg-degga ah; d-. Ansixinta magacaabidda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. r- Arrimaha kale ee 2da Gole la habboonaata inay fadhi wada-jir ah ka yeeshaan. GOLAHA WAKIILADA

Ilaha: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-38
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
37Weydii qodobkan39