Article 36
Qodobka 36aad
Original Somali text, quoted word for word
XUQUUQDA HAWEENKA 1. Xuquuqda, xorriyaadka iyo waajibaadka Dastuurku xaqiijiyey, haweenku ragga way ula siman yihiin, wixii Shareecadda Islaamka midkood u gaar yeeshay mooyaane. 2. Xukuumaddu waa in ay dhiirri-gelisaa xeerna ka soo saartaa xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay ka xoroobaan dhaqamada aan Shareecadda waafaqsanayn ee waxyeelada u leh jidhkooda iyo damiirkooda. 3. Haweenku waxay xaq u leeyihiin in ay hanti yeeshaan, maamulaan, kormeeraan, adeegsadaan, gudbin karaan si Shareecadda waafaqsan. 4. Si sare Ioogu qaado aqoonta iyo dakhliga haweenka iyo weliba daryeelka qoyska, haweenku waxay xaq u leeyihiin in loo fidiyo waxbarashada dhaqaalaha qoyska iyo in loo furo dugsiyada farsamada iyo xirfadaha gaarka ah iyo kuwa waxbarshada dadka waaweyn. QAYBTA LABAAD QAAB-DHISMEEDKA QARANKA