Constitution of the Republic of Somaliland · 2001In force
Article 35
Qodobka 35aad
Original Somali text, quoted word for word
ISU-CELINTA EEDAYSANAYAASHA AMA DEMBIILAYAASHA IYO MAGAN-GELINTA SIYAASADEED 1. Qofka shisheeyaha ah ee dalka ku soo galay ama ku joogay si xeerka waafaqsan ee weydiista magangelyo siyaasadeed, waa la siin karaa haddii uu buuxiyo shuruudaha ku xusan xeerka u dhigan magan-gelinta. 2. Ma bannaana in muwaadinka Somaliland loo dhiibo dawlad shisheeye. 3. Jamhuuriyadda Somaliland waxay dib u celin kartaa dambiile ama eedaysane dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshiis dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka weydiistay celintiisa.