Article 34
Qodobka 34aad
Original Somali text, quoted word for word
WAAJIBMDKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA GUDASHO LA'AANTA WAAJIBAADKA 1. Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan xeerka. 2. Qof kasta waxa ku waajib ah inuu xaq dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka. 3. Qof kasta waxa ku waajib ah inuu si hagar la'aan ah u bixiyo cashuurta iyo takaaliifta kale ee xeerku waajibiyey. 4. Qof kasta waxa waajib ka saaran yahay daryeelka, ilaalinta iyo badbaadada deegaanka. 5. Xeerka ayaa caddeynaya ciqaabta ka dhalan karta gudasha la'aanta waajibaadka ku xusan faqradda laad, 2aad, 3aad iyo 4aad.