Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa
Qodobka 33aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
XORRIYADDA CAQIIDADA 1. Qof kasta wuxuu xor u yahay caqiidadiisa, lagumana qasbi karo inuu qaato tu kale. Shareecadda lslaamku ma oggola in qofka Muslinka ah ka noqdo caqiidadiisa. 2. Masaajidku waa goob cibaado, waxaanu mudan yahay xurmayn. Waa goob lagu fidiyo Diinta iyo hanuuninta ummadda diin iyo adduunyaba. Waxa reebban in laga jeediyo waxyaabaha ummadda kala kaxayn kara; dawladduna waxay ku leedahay ilaalin guud iyo kaalmayn wixi suurto-gal ah.