Qodobka 2aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
DALKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND 1. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii Ia odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 8° ilaa 11° 30' Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 42° 45' ilaa 49° Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga1 jasiiradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf). 2. Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee ltoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti. 3. Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.