Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa

Qodobka 27aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY 1. Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu codsado. 2. Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka la qabtay. 3. Waxa reebban in qofka lagu dirqiyo qirasho dembi, marag furid, ama dhaar. Mid kasta oo arrimahaa ka mid ah oo qofka khasab lagu marsiiyaana wax-ka-soo qaad ma laha. 4. Waxa reebban in qofka lagu xidho meel aanu xeerku bannayn. 5. Xeerka ayaa xadaynaya muddada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan. 6. Eedaysanuhu wuxuu xaq u Ieeyahay in go'aan maxkamadi ku ridday uu racfaan uga qaato maxkamadda ka sarraysa. 7. Marka qof la qabto iyo marka la cusboonaysiinayo sii-hayntiisa waxa uu xaq u leeyahay in la ogeysiiyo arrintiisa cidda uu doorto. 8. Xabsigu waa edbin iyo toosin. Dawladana xilbaa ka saaran kor-u-qaadidda akhlaaqda iyo xirfad baridda maxbuuska si uu ugu noqdo bulshada isaga oo yeeshay dhaqan suubban. 9. Ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta faqradaha 1aad ilaa 7aad ee qodobkan xeer ayaa caddaynaya.

Ilaha: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-27
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
26Weydii qodobkan28