Constitution of the Republic of Somaliland · 2001In force

Article 23

Qodobka 23aad

Original Somali text, quoted word for word

XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA IYO IS-ABAABULKA 1. Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku jooga, waxa uu xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu doono, iyo weliba in uu ka baxo ama ku soo Iaabto dalka marka uu doono. 2. Arrimaha ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan waxa ka reebban meelaha ama waqtiyada xeerku ka reebo mariddeeda ama degitaankeeda. 3. Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka. 4. Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku ah danaha ummadda ama qarsoodi ah ama Ieh qaab ciidan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka weji kasta ha lahaadeene.

Source: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-23

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
22Ask about this article24