Constitution of the Republic of Somaliland · 2001In force

Article 20

Qodobka 20aad

Original Somali text, quoted word for word

SHAQADA, FARSAMADA, DARYEELKA IYO BADBADINTA SHAQAALAHA 1. Shaqadu waa xaq uu leeyahay kuna waajib ah, muwaadin kasta oo gudan kara. Sidaas darteed, dawladdu waxay xil iska saaraysaa shaqo abuuris iyo tayaynta tababarada shaqaalaha. 2. Ka shaqeysunta carruurta, haweenka, shaqeynta saacadaha habeenimo iyo goobaha shaqada, fasaxyada iyo saacadaha shaqada waxaa qeexaya Xeerka Shaqada. 3. Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan, waxayna qof ahaan ama urur ahaanba gorgortan la geli karaan loo shaqeeyaha, waxana reebban shaqada oo Ia isku khasbo. 4. Dawladdu waxay ku dadaalaysaa in ay ka dhex abuurto shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha is-afgarad iyo xaqsoorid iyada oo sidaas xeer ku soo saaraysa. 5. Shaqaalaha dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sida waxay xaq u Ieeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan. 6. Dawladdu waxay horumarinaysaa habka taakulaynta, caymiska iyo badbaadinta shaqaalaha waxaanay xoojinaysaa hay'adaha ku shaqada leh. XUBINTA 3AAD XUQUUQDA QOFKA, XORRIYAADKA ASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA SAARAN MUWAADINKA

Source: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-20

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
19Ask about this article21