Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa

Qodobka 16aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

HORUMARINTA CILMIGA, SUUGAANTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA 1. Dawladdu waxay horumarinaysaa cilmiga iyo suugaanta; waxayna dhiirigelinaysaa hal-abuurka iyo cilmi-baadhista. 2. Xuquuqda qoraalka, hal-abuurka iyo hindisaha xeer ayaa caddaynaya. 3. Dawladdu waxay horumarinaysaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee bulshada iyada oo isla markaa laga faa'iidaysanayo aqoonta bulshada adduunka. Waxa si gaar ah loo dhiirri gelinayaa fanka, suugaanta iyo ciyaaraha wadaniga ah, iyadoo la dhawrayo aadaabta lslaamka. 4. Dawladdu waxay horumarinaysaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee bulshada, waxayna tirtiraysaa caadooyinka wax u dhimaya Diinta, horumarka, dhaqanka iyo caafimaadka bulshada. Samaynta khamriga iyo beerista ama ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyuhu geyiga Somaaliland way ka reebban yihiin.

Ilaha: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-16
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
15Weydii qodobkan17