Constitution of the Republic of Somaliland · 2001In force
Article 14
Qodobka 14aad
Original Somali text, quoted word for word
CASHUURAHA, TAKAALIIFTA & RIBADA 1. Waajibinta cashuuraha iyo wixii takaaliif ah waxa loo eegayaa danta iyo maslaxadda bulshada. Sidaa darteed, cashuur ama takaaliif aan xeer jidayn lama qaadi karo. 2. Curinta, dhaafidda iyo wax ka beddelka cashuuraha iyo wixii takaaliif ah ee kale xeer ayaa jidaynaya. 3. Ribada iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh bulshada iyo ku xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way reebban yihiin.