Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa

Qodobka 130aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

DHAQAN GELINTA DASTUURKA IYO QODDOBADA KALA GUURKA 1. Dhaqan-gelinta Dastuurku waxay ka bilaabmaysaa marka afti loo qaado, natiijada aftiduna soo baxdo, waxana si ku meel gaadha loogu dhaqmi karaa muddo saddex sannadood gudahood ah oo ka bilaabmaysa taariikhdii uu oggolaaday shirweynihii 3aad ee Beelaha Somaliland. 2. Haddii qabashada aftidu suuroobi waydo muddada loo xaddiday, waxa muddada ku meel gaadh ahaan loogu dhaqmayo Dastuurka kolba kordhin kara Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada). 3. Haddii ay xubin ka mid ah Golaha Guurtida ama Golaha Wakiillada ay ku timaado xaalad ka mid ah xaaladaha ku tilmaaman qodobka 50aad waxaa soo buuxinaysa beeshii uu ka tirsanaa inta laga gaadhayo nidaamka axsaabta ee doorashada. 4. Haddii ay ku timaado asbaabaha ku tilmaaman qodobka 86aad Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, ama midkood, inta laga gaadhayo nidaamaka axsaabta ee doorashada tooska ah, labada Gole (Wakiilada iyo Guurtida} ayaa si wada jira muddo 45 maalmood gudahood ah ku dooranaya Madaxweyne iyo Madaxweyne-Ku- xigeen ama midkood, iyadoo xilka jagada bannaanaatay muddada doorashada ka horaysa uu hayn doono Guddoomiyaha Golaha Guurtidu. 5. DaIka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagaga dhaqamayaa xeerarkii hore loogaga dhaqmi jiray ee aan ka hor imanayn Shareecadda Islaamaka, xuquuqda qofka iyo xorriyaadka asaasiga ah, inta laga soo saarayo xeerar waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; isla markaa waa in la diyaariyaa xeerarka Dastuurka waafaqsan, waxaana lagu keenayaa xeer walba ugu yaraan muddada uu u xaddido Golaha Wakiiladu. 6. Haddli gobollada iyo degmooyinku ay muddo saddex bilood ah gudahood ku dhisan waayaan golayaal, Xukuumadda-dhexe waxay ku meel gaadh ahaan u magacaabaysaa maamulo gobolo iyo degmooyin iyadoo kala tashanaysa xubnaha Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida ee metala gobolladaas iyo degmooyinka iyo weliba guurtida degaamadaas. Magacyada Guddiga Isku-duba-ridka Dastuurka: 1. Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar Guddoomiye 2. Maxamed Axmed Cabdulle Guddoomiye-ku-xigeen 3. C/qaadir X. Ismaaciil Jirde Xoghaye 4. Sh. Maxamuud Suufi Muxumed Xubin 5. Maxamed Sicud Maxamed (Gees) Xubin 6. Sh. Cali Sh. Cabdi Guuleed Xubin 7. Faysal Xaaji Jaamac (Qareen) Xubin 8. Cismaan Xusseen Khayre (Garsoore) Xubin 9. Prof. Faarax Cabdilaahi Farud Xubin 10. Prof. Maxamuud Nuur Caalin Xubin 11. Xasan Cabdi Xabad Xubin 12.Axmed MacaIm Jaamac Xubin 13. Yuusuf Aadan Xuseen Xubin 14. Cismaan Call Bille Xubin 15. Maxamed Jaamac Faarax Xubin GUDDIDA DIB U HABAYNTA IYO DIB U EEGIDDA DASTUURKA GOLAHA GUURTIDA. 1) Mud. Siciid Jaamac Cali Guddoomiye 2) Mud. Axmed Nuur Aw Cali Xoghaye 3) Mud. C/Laahi Sh. Xasan Xubin 4) Mud. Sicild ClLaahi Yaasir “ 5) Mud. Cali X. Cabdi Ducaale “ 6) Mud. C/raxmaan Axmed Areye “ 7) Mud. Maxamed Cilse Faarax “ 8) Mud. Yuusuf CILaahi Cawaale “ 9) Mud. Muxumed Aw Axmed “ 10) Mud. Maxamed Gaaxnuug Jaamac “ 11) Mud. Maxamed Cismaan Guuleed “ GOLAHA WAKIILADA. 1) Mud. Xasan Axmed Ducaale Guddoomiye 2) Mud. Cali Maxamed Cumar Xoghaye 3) Mud. C/raxmaan Xuseen Cabdi Xubin 4) Mud. Maxamed Xuseen Dhamac “ 5) Mud. Cabdi Daahir Camuud “ 6) Mud. C/Laahi lbraahim Kaarshe “ 7) Mud. Axmed CILaahl Call “ 8) Mud. Faysal X. Jaamac “ 9) Mud. Maxamed Aadan Gabaloos “ 10) Mud. Cumar Nuur Aare “ 11) Mud. Yaasiin Faarax Ismaaciil “ 12) Mud. Yaasiin Maxamuud Xiir “ 13) Mud. Cali Obsiiye Diiriye “ GUDDIDA SIXIDDA, HUBINTA IYO SOO-SAARIDDA NUQULKAN DASTUURKA: (Iyo Saxeexooda) 1) Mudane Axmed Maxamed Aadan Guddoomiye (Wakiiladda) 2) Mudane Axmed Nuur Aw Cali Xoghaye (Guurtida) 3) Mudane C/Laahi Sh. Xasan Xubin 4) Maxamed Xuseen Cismaan Xoghayaha (Golaha Wakiilada) Sh. lbraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar Axmed Maxamed Aadan Guddoomiyaha Golaha Guurtida Guddomiyaha Golaha Wakillada _______________ __________________ XOGHAYNTA GUDDIDA DASTUURKA 1) Faisa Maxamed Axmed 2) C/risaaq Sicild Ayaanle 30 APRIL 2000

Ilaha: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-130
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
129Weydii qodobkan