Qodobka 12aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
HANTIDA-GUUD, KHAYRAADKA DABIICIGA AH IYO WAX-SOO-SAARKA WADANIGA AH 1. Dhulku waa hanti guud oo ka dhaxeeya Ummadda; mas'uuliyadiisana Dawladdaa leh. 2. Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaafta iyo hantida guud waa waajib saaran Dawladda iyo muwaadiniinta, waxaana geexaya xeer. 3. Xukuumaddu waxay awood u leedahay inay yeelato, gacanta ku hayso, hanti-guurto ama ma-guurto ah, inay ubsato, iibiso, kiraysato, kirayso, ku bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan. 4. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa mas'uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurta gal ah si loo baadho, loogana faa'iidaysto khayraadka ku jira berriga iyo badda dalka. Ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo sida ugu habboon ee looga faa'iidaysan karo xeer ayaa qeexaya. 5. Hantida guud ee lahaanshaheeda ama ka faa'iidaysigeeda loo baahdo in Ia wareejiyo waxay ku wareegi kartaa si xeerka waafaqsan. 6. Dawladdu waxay dhiirri-gelinaysaa wax-soo-saarka wadaniga sida beeraha, xoolaha nool, kalluunka, macdanta, faleenka, xabagta iyo warshadaha ku shaqeeya wax-soo- saarka wadaniga ah. 7. Sekadu waa rukun lslaamiya, habaynteedana waxaa caddaynaya xeer-gaar ah.