Article 126
Qodobka 126aad
Original Somali text, quoted word for word
WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABIDDA DASTUURKA 1. Soo jeedinta wax ka beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurka waxa leh: b. Madaxweynaha, ka dib marka uu la tashado Golaha Xukuumadda. t. 1/3 (saddex-meelood meel) tirada guud ee Golaha Wakiilada. j. 1/3 (Saddex meelood meel) tirada guud ee Golaha Guurtida. 2. Waxa waajib ah in soo jeedinta wax ka beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurku ay sababaysan tahay, saxeexan tahayna. 3. Wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurka waxa ay Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida ka doodayaan laba bilood ka dib marka uu Golaha Wakiiladu aqlabiyadda tiradiisa ku go'aansado in loo baahan yahay wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda. 4. Wax-ka-beddelka qodob ama qodobo ka mid ah Dastuurka iyo/ama kaabiddiisu waxa ay ku ansaxayaan kadib marka uu 2/3 (saddex meelood, laba) tirada guud ee Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtidu uu mid waliba goonidiisa isugu raaco. 5. Haddii Golaha Wakiiladu uu aqlabiyadda tiradiisa isugu raaci waayo in loo baahan yahay in wax laga beddelo ama wax lagu kordhiyo ama labadaba; ama haddii labada Gole midkood ku ansixin waayo wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda 2/3 (saddex meelood, laba) tirada guud ee xubnihiisa, soo jeedintaas dib looma soo celinayo 12 (laba iyo toban) bilood oo dambe.