Dastuurka JSL · 2001Wuu shaqeeyaa

Qodobka 124aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

CIIDAMADA BOOLIISKA IYO ASLUUBTA 1. Ciidanka Booliisku waxa uu u xilsaaran yahay ilaalinta nabadgelyada iyo dhaqan- gelinta xeerarka; qaab-dhismeedkoooda iyo waajibaadkoodana xeer ayaa qeexaya. 2. Ciidanka Asluubtu waxa uu u xilsaaran yahay haynta iyo toosinta akhlaaqda maxaabiista; qaab-dhismeedkooda iyo waajibaadkoodana xeer ayaa nidaaminaya.

Ilaha: www.somalilandlaw.com/xeer/dastuurka/qodobka-124
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
123Weydii qodobkan125